RW, Dalka Oo Shir Guddoomiyay Kulan Amniga Looga Hadlay

0
213

Muqdisho(INO)-Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlay amniga Dalka oo ay ka qeyb galeen Taliyaha Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,Saraakiil ka socotay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay Dowladaha midowga Yurub iyo Wasiirka Amniga gudaha.

Kulanka ayaa waxaa warbixino amniga la xiriira  lagaga dhageystay Taliyaha Ciidanka NISA C/raxmaan Tuuryare iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed kuwaa oo faah faahin ka bixiyay dadaalada lagu ciribtirayo Argagaxisada Al Shabaab iyo xoreynta ka socota deegaanada fara ku tiriska ah ee Maleeshiyaadka Al  Shabaab oo heer wanaagsan maraya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa kulanka markii uu soo gaba gaboobay kaddib Warbaahinta Qaranka ugu warbixiyay kulanka ayaa sheegay in kulanka ahmiyad lagu siinayay xoojinta amniga iyo wada shaqeyn  dhexmarta ciidamada Qalabka Sida, Ra’isul wasaaruhuna uu ku adkeeyay Taliyeyaasha Ciidamada in si dhow ay u wada shaqeeyaan si amniga dalka gacan bir ah loogu qabto.

Kulankani looga hadlayay amniga Dalka ayaa qeyb ah kulamo isdaba joog ah oo inta badan looga hadlo ammaanka, waxaana muhiimadu ay tahay in si dhow ay ula shaqeeyaan dadweynaha hey’adaha Ammaanka si looga hortago qataraha ay u maleegayaan umadda Soomaaliyeed  Kooxda Al Shabaab.

Idale News Onlinr, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here