Ciidamada Ammaanka Galmudug Oo Soo Furtay Ajaaniib Afduub Loogu Heystay Cadaado

0
353

Cadaado(INO)— Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa howl gal ay xalay ka sameeyeen degmada Cadaado ku soo furtay afar ruux oo u dhashay dalka Iiraan, kuwaasoo afduub ahaan ay u heysteen Koox Burcad badeed ah.

Ciidamada Galmud Idale News Online

Howl galkan oo ay ka qeyb qaateen Ciidamada Nabadsugida Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay in si nabdoon ay ku soo furtaan afarta ruux ee u dhashay dalka Iiraan oo horay loogu afduubtay xeebaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in afarta ruux ee la soo bad baadiyay ay ka mid ahaayeen 10-ruux oo ajaaniib ah, kuwaasoo lala soo aaday degmada Cadaado, kadib markii ay isku qabsadeen kooxdii gacanta ku heysatay, taasna ay keentay inay kala qeybsadaan dadkii ay afduubka u heysteen.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ka war heleen in guri ku yaal Cadaado lagu heystay afartan ruux, isla markaana ciidamo gaar ahaa ay soo furteen, iyadoo aanay wax dhiig ah ku daadan.

Afartan ruux ee u dhashay dalka Iiraan ayaa ahaa kaluumeysato muddo afduub loogu heystay deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud, waxaana kooxdii heysatay ay ka doonayeen lacag madax furasho ah.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here