Muqdisho (INO)—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay dardar gelinta maamul u sameeynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ka hor inta aan la gaarin 2016-ka isagoo xusay Ra’iisul Wasaaraha in maamul Goboleedka kaliya ee harsan uu yahay Maamulka loo sameeynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Mudane sharmaarke ayaa tilmaamay in in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto gudda gelidda iyo dhameeystirka maamul u smeeynta labadaasi gobal waxaana uu hoosta ka xariiqay in uu rajo wanaagsa ka qabo hirgelinta howsha ku aadan in ay maamul mideeysan helaan dadka ku dhaqan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Geesta kale Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa qeexay in Ciidamada dowladdu qorsheyneyso in lagu sameeyo isku dhaf la doonayo in ay aasaas u noqdaan Ciidan Qaran, wuxuuna dhanka kale xusay in sidoo kale dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii lagu gaari lahaa nidaamka lagu maareeyo maaliyadda.
Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ka jeediyay shirka madasha wadatashiga oo shalay ku soo gaba gaboobay Magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho