Baydhabo ( INO)-Madaxweynaha Dowlada Kooofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Afhooye ay tahay mid go’an isagoo ku baaqay in dib la isugu furo.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa tibaaxay in Al Shabaab ay ku sugan yihiin wadadaasi islamarkaana dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay gacan ka geysato sidii wadadaasi la isugu furi lahaa.
Xarakada Al Shabaab ayaa iyagu ku sugan waddooyinka soo gala Magaalooyi n Muhiim sida Xudur iyo Baydhabo ee Gobollada Bakool Iyo Baay.
Ugu dambeyntii, Ku sugnaashiyaha Al Shabaab waddooyinkaas ayaa la sheegaa in ay saameyn ku leedahay dhaq dhaqaaqa gaadiidka adeegyada u sida deegaanadaasi oo ay xannibaan.
Idale News Online, Baydhabo