Roob Xoogan Oo Magaalada Baydhabo Janaay Ka Da’ay

0
654

Baydhabo(INO)-Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ay roobabka gugu ka bilowdeen waxa kamid ah  Bay iyo Qiibo ka Mid Ah Gobolka Shabellaha Hoose iyadoo dhul badan oo labadaas gobol ka tirsanna ay shalay iyo Maanta  roobab lagu diirsaday ka da’een.

roob-

Magaala madaxda Gobolka Bay ee  Baydhabo Janaay, islamarkaana ah magaalo xiliga Jiilaalka  ah ay qoysas badani usoo guuraan ayaa ka mid ah goobaha uu roobka fiicani ka da’ay, maanta ilaa caawa uu da’ayo.

Roob socodey mudo 5 saacadood , dhulkana biyo badan dhigay ayaa Maanta ilaa Caawa   ka  da’ey magaalada Baydhabo oo mudo 2  bil ah aan wax roob a arag.

Dhinaca kale roobka  Maanta iyo ilaa Caawa  ka da’ayo  magaalada Baydhabo Janaay ayaa waxyeelo u geystey qaar kamid ah baaleyaasha qaada xargaha korontada, arintaasoo sababtay in qaybo badan oo magaalada kamid ahi ay koronto la’aan noqdaan.

Kahor inta uusan roobkaasi bilaabmin waxaa magaalada Baydhabo ka ka bilowdey  dabeylo oo roobka ka horeysey taasoo aan khasaaro  geysan marka laga reebo inay tuurtay ku dhowaad 5 baaleyaasha korontada ee Baydhabo.

Sidoo kale waxaa shalay gelinkii danbe uu roob mahiigaan ah oo lagu diirsaday ka da’ay Deeganka  Xabaal barbaare  iyo deegaanada miyiga ah ee ku xeeran ee Galbeedka Gobolka Bay.

Si kastaba ha ahaatee curashada roobabka guga ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa ah mid si weyn loogu farxay, waxaana xusid mudan in xiligan, jilaal iyo biyo la’aan darani ay ka jiraan deegaano badan oo ka tirsan gobolada KGSoomaaliya

 Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here