Kumanaan kun oo Soomaaliyeed oo haatan ay xaalad aad u ba’ani oo xaga nolosha ku haysato gudaha dalka Yemen ayaa waxaa cabsi kale ay ka soo wajahday ama xaaladooda uga sii daray hadal uu Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya ku sheegay inuu hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin Ishabeysiga uu hormuudka ka yahay Sacuudi Arabia oo ka dhan ka ah Xuutiyiinta dalka Yemen oo inta badan dalka Yemen gacanta ku haaya. iyagoo sheegay iney Jiri kartay qaab kale oo Wasiirka uu hadalka u dhigi karey oo wax dhibaato ka soo gaari Karin qaxootiga Soomaaliyeed oo waxa daabula aan helin tan iyo markii uu dagaalka dalka Yemen bilowday
Qaxootiga Soomaaliyeed ayaaa banaanbax looga soo horjeedo hadalka Wasiirka ku qabtey magaalada Sanca, Hadalka Wasiir Hadliye ayey sheegeen inuu haba yaraatee wax masuuliyad ah ka muuqan, dhibaatada ka soo gaari karta kumanaanta kun ee qaxootiga ah ee aan laga fiirsan.
Idale News ONline