Dhageyso + Qaar Rakaabka Diyaaradii tagtey Kismaayo oo mar kale dib loogu soo celiyey Muqdisho, jirdilna sheegay in Airport Kismaayo loogu geystey

0
186

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose laga soo celiyay Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed kasoo jeeda deegaanada Jubbooyinka. Siyaasiyiinta iyo odayaashaas  dib loogu soo celiyey Muqdisho oo tiradoodu gaareysey 33 qofood ayaa cabsi darteed diyaarada dib ugu soo cararey ka dib markii dad ka careysan imaanshahooda ay ku soo shamuumeen  feer iyo farlaabna lagala hor yimid markii diyaaradii wadsey dadkaas  ay soo cagadhigey garoonka Kismaayo bilaabeena inay ka soo degaan diyaarada.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu tunka weynaa oo hogaaminaayey rakaabkaas isla markaasna ka soo jeeda deegaanka Afmadow gaar ahaan beesha Absam Maxamed Amiin C/laahi iyo odayaal kale oo la socdey ayaa diidey inay dib ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho. Iisgaarsiinta magaalada oo la xirey darteed ayay odayaasha ka harey sheegeen in dadkii eheladooda ahaa airport ugu imaan lahaa aysan u suurtogalin iney falkaas ka hortaan oo ay soo gaaraan airport.

Shir Jaraa’id ayay ku qabteen Garoonka Muqdisho markii ay dib ugu soo laabteen waxaana ay sheegeen in si xun loola dhaqmay intii ay ku sugnaayeen Magaalada Kismaayo.

Qaar kamid ah dadkii Kismaayo kasoo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay qaabkii loola dhaqmay

[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/Dad-careysan-Kismaayo-ok.mp3]

Idale News Muqdisho