Warar hordhac ah oo aan wali la xaqiijinin ayaa sheegaya in diyaaradii dhowaan dib loogu celiyay magaalada Muqdisho ay maanta dib ugu soo laabatay Kismaayo iyadoo wada isla rakaabkii shalay oo ay kamid yihiin ninka ugu tunka weyne ee ka soo jeeda gobalka oo lagu magacaabo Maxamed Amiin, oo ka mid ahaa xildhibaanadii hore.
Rakaabka la socday diyaarada waxaa ka mid ahaa Maxamed Amiin, waxaana suurta gal ah in diyaaradu ay wado isla rakaabkii dhowaan la celiyay oo tiro ahaan gaaraayey 42 ruux.
Dhanka kale waxaa wali hawada ka maqan isgaadhsiintii magaalada Kismaayo iyadoo ay ubadan tahay in xaalada amni darteed hawada looga saaray.
Ma cada sida ay ugu suurto gashey in diyaaradii wadey mucaaradka shirka Kismaayo ay caga dhigato garoonkii dhowaan loo diidey iyadoo weliba la rumeysan yahay in maamulka ka arrimiya gobolkaas si kmg ahaan u joogiyey duulimaadyadii imaan jirey Kismaayo, sidoo kalena lama oga in dib loogu celin doono magaalada Muqdisho iyo in ay gudaha u gali doonaan magaalada.
Idale News Muqisho