Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa wuxuu sheegay inuu tagi doono Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, halkaasi oo ay ka taagan tahay xiisad la xiriirta Maamul Gobaleed.
Isaga oo warbaahinta kula hadlaye Magaalada Muqdisho, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu tagayo Magaalada Baydhabo, si looga shaqeeyo buu yiri isku soo dhaweynta Dowladda iyo shacabka.
“Waxaad la socotaan Madaxweynaha ayaa tagay Baydhabo Guddoomiyaha Baarlamaankana hada wuu joogaa, ana waan tagi doonaa Baydhabo si aan uga shaqeyno isku soo dhaweynta shacabka iyo Dowladda”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ma uusan carabaabin xilliga Baydhabo uu tagayo iyo maalinta ay tahay balse wuxuu ka dhawaajiyay Ra’iisul Wasaaraha inuu socdaal ku tagayo Baydhabo.
Hada Baydhabo waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mohamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasi oo kulamo kala duwan la leh qeybaha Bulshada ee Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay magacaabeen guddi ka kooban Wasiirada Xukuumadda, guddigaasi oo ka shaqeynaya arimaha amniga iyo xaaladaha deg dega, waxaana guddiga Wasiiradaasi kamid ah Wasiirka amniga iyo Wasiirka caafimaadka Xukuumadda.
Idale News Online,Muqdisho