Madaxweynaha maamulka Seddexda Gobo lee koofur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdi Nuur oo la hadlay warabaahinga Gudaha , ayaa sheegay inay doonaan mideynta ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada maamulkooda.
Maxamed Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan maamulka lixda gobo lee looga dhawaaqay magaalada Baydhabo, kaasi oo uu sheegay inaan la wada taageersaneyn.
“Waxaan leenahay annaga waxaan diyar u nahay inay nagu soo biiraan, wadahadal waan dooneynaa, waa in laga shaqeeyaa midnimada Soomaalida”ayu yiri madaxweynaha maamulka seddexda gobol.
Magaalada Baydhabo waxaa wali ku sugan wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka oo kulamo la qaadanaya odayaasha dhaqanka, iyo madaxda maamulada lixda iyo seddex gobo lee koofur galbeed Soomaaliya.