Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa gaaray safarkiisa ugu horeeyey tan iyo markii loo magacaabey xilka wasiirka 1aad ee golaha wasiirada ku tagey meel ka baxsan gobolka geeska Afrika, wasiirka iyo wafdigiisa ayaa gaartey magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka magaalada Jeddah mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga Carabiga.
Booqashada Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inay la xiriirto gudashada Cumrada, iyadoo safarkan uu yahay kii labaad oo uu dalka dibadiisa uga ambabaxo tan iyo markii sanadkii hore loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Wararka qaar ayaa sheegaya in marka Ra’iisul Wasaaraha uu guto waajibaadka Cumrada uu la kulmi doono madax ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadan safarkiisa daka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya.
Safarada dibada ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah mid aad u kooban, iyadoo dhowr bilood ka hor uu booqasho ku tagay dalalka deriska, sida Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Brundi oo ah dalal ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
Idale News Online