6-dii subaxnimo ilaa iminka ayaa waxaa ka soconaya Magaalada Baydhabo Mudaahaarad aan loo kala harin qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Baydhabo kaasoo ka dhan ah Dowlada Muqdisho & Axmed Madoobe. Isusoo baxaan oo ah mid aan loo kala harin ayaa wuxuu soconayaa in kabdan 5 saacadood xiriir ah waxaana ka qeyb qaadanaya Maamulka Gobolka Baay, Kan degmada, Haweenka Gobolka & Degmada, Sports-ka Ganacsatada, iyo laamaha kale ee Bulshada sida fanaaniinta, abwaanada iyo kooxda Isbedel doonka Bayhdabo, waxgaradka iyo malaaqyada Gedo, Jubbada hoose ka imaadey, jubbada sare, shabeelaha iyo deegaanada fog fog ee arlaadii.
Isu soo baxaan ayaa ah mid aan weligiisa ka dhicin Baydhabo waxaana kii xiriirka loogu jarayey Dowlada Hawiye & daarood sida ay malaaqyadu Sheegeen waxana sidoo kale loogu dhawaaqey in dhaqsi ay Soomaali Maay udhisanayaan Maamul kii rasmiga ahaa Ee 6-daasi Gobol waxaynu dadku wataan Boorar ku hararan halkudhigyo ay kamidka yihiin DOONI MEYNO DOWLAD HAWIYE & DAAROOD; DOONIMEYNO; XASAN SHEEKH MAXAMUUD; DOONI MEYNO KOOXDA DHUL BOOBKA; FAROOLE & AXMED MADOOBE & kuwo kale.
Idale News Muqdisho