Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Md Cabdi weli Sheekh Axmed oo runta ka sheegay inaysan ka adkaan karin Xoogaga Mayalka Adag Ee Soomaalida Al-Shabab.

0
161

Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Welli Sheikh Axmed Maxamed ayaa sheegay in Alshabaab ay adag tahay in laga saaro guud ahaan dalka Soomaaliya, maadaama Alshabaab ay dagaalo kula jiraan dowlada Soomaaliya.

C/Welli Sheikh, ayaa sheegay in Alshabaab ay yihiin dad wali ka dagaalami kara dalka Soomaaliya oo ay adag tahay in looga adkaato, wuxuuna sheegay in si fudud aan looga saari Karin guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Umad hadii ay dagaal goosato wey guuleysataa sababtoo ah dad midoobay cid ka hortimaada malahan”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Wuxuu dhanka kale sheegay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya in sidaasi oo ay tahay Alshabaab ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Alshabaab kala wareegeen 9 degmo oo ku yaala gobolada dalka Soomaaliya.

Wuxuu cadeeyay in si xoogan uu u socda howlgalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, ayna ku dadaali doonaan sidii ALshabaab guud ahaan dalka looga saari lahaa.

“Ciidamadeena iyo iyo Walaalaheena Amisom weli waxa ay wadaan racdeynta iyo baacsiga ay ku hayaan Kooxaha Nabad-diidka ee Al-Shabaab 9-Magaalo ayaan horay uga qabsanay welina waaan wadnaa dagaalka aan kula jirno”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

RW

Idale News Online,Muqdisho.