Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Olole Nadaafadeed ka Bilaabay Degmooyinka kala Duwan ee Magaalada Muqdisho.
Degmooyinka Hodan iyo Holwadaag ayaa Wajiga 1-aad ee Ololaha Nadaafada laga Bilaabay,waxaana wada Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Max’ed Xuseen ayaa sheegay in Dhamaan Degmooyinka Muqdisho la gaarsiin doono,Dib u soo celinta Bilicda Magaalada.
Muungaab ayaa sheegay in ay ka og’an tahay Dowladda Hoose dib u soo celintii Bilicdii Magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale uu intaa ku daray in Dadka inta bada ay yihiin kuwo Fahansan Dowladdnimada islamarkaana ay Diyaar u yihiin in Iskaa wax u qabso ay Dalka ugu shaqeyaan.
Waxaa Magaalada Muqdisho inta badan aad ka dareemeysaa in uu dib u soo laabanayo Ififaalihii Dhanka Nabada iyo Bilicda Magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho