Dhageyso: Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in koox wasiiro dano gaar ah wadata ay qatar ku yihiin dalka

0
190

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa shir jaraa’id uu goor dhow xafiiskiisa ugu qabtay Warbaahinta kaga hadlay arrimo badan oo ka mid ah mooshinka laga geeyay iyo khilaafka isaga iyo Madaxweynaha.

Shirka jaraa’id oo muddo saacad ku dhow socotay ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha uu u aqrinayay Warbaahinta Khudbad uu ugu tala galay inuu shalay Baarlamaanka ka jeediyo, hase ahaatee ay Xildhibaanada u diideen inuu hor-yimaado.

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/12/Sacid-Shir-Jaraaid.mp3|autostart=yes]

“Koox gaar ah oo Wasiiro ah oo dano gaar wata oo aan fiirineyn aayaha iyo masiirka dambe ee Soomaaliya inay ka dambeeyaan mooshinka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasiiro ka mid ah Xukuumadiisa ay wax ka abaabuleen mooshinka, isla markaana doonaya in isaga meesha ka saaraan sida uu yiri

“Wasiiro ka mid ah xukuumada oo qaba in ayaga soo haraya in si sahlan la ii bixiyo ayay rabaan waa koox dano gaar ah wata oo qatar ku ah ammaanka dalka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Mar uu ka hadlayay tallaabadii Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku diideen inuu hor yimaado si uu isu difaaco ayuu waxaa uu ku tilmaamay go’aankaas mid wax lala yaabo.

“Arrintaas wax layaab leh ayay aheyd, sidee ku dhici kartaa anoo Ra’iisul wasaarihii dalka anoo ley eedeynayo inaan hadlo sidee ku dhici kartaa mooshin inta xukuumada laga keeno la siin waayo inay hadasho oo ay is difaacdo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay jiraan Wasiiro isaga ka durgaya oo dhinaca Madaxweynaha aadaya, isla markaana taas ay qeyb ka aheyd dhaqankii siyaasada ee jiray, balse uu isagu yeeli lahaa inuu eryo, laakiin uusan dooneyn in dalka uu geliyo qalalaase siyaasadeed.

“Waxaa arkeysaa Wasiirada oo qaar kaa durgaya iyo kuwo kugu dhowaanaya, saacadaan la joogo waa eryi karay, laakiin dan uma ahan dalka inaan eryo oo aan qalalaaso siyaasadeed geliyo, wasiiradii waxay noqdeen inay ka wal walaan khilaafka aniga iyo Madaxweynaha”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr Saacid.

SaacidKalsanTV

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in go’aan kasta oo Baarlamaanka ka soo baxa uu ku qancayo, isagoo ku celiyay in khilaafka isaga iyo Madaxweynaha uu yahay mid dastuuri ah oo aan siyaasad aheyn, waxaana Ra’iisul wasaaruhu uu u muuqday mid kalsooni muujinayay.

Shirkan jaraa’id ee uu qabtay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah tii ugu kululeyd ee uu kaga hadlo khilaafka isaga iyo Madaxweynaha iyo mooshinka laga geeyay.

Khudbada Ra’iisul Wasaaraha oo dhameystiran goor dhow ayaa idin soo gudbin doonaa Insha Allah