Muqdisho(INO)- Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in habeenkii Sabtida Magaaladaasi lagu dilay nin Nabadoon ahaa, markii ay weerareen laba nin oo sida la sheegay bistoolado ku hubeysnaa.
Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Afweyne Tiiteeye, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo dilka ka dibna ay goobtaasi ka baxsadeen dembiilayaasha.
Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Saldhiga Booliska Degmada Yaaqshiid, ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobtii lagu qaarajiyay marxuumka, walow aanay jirin cid la sheegay inay dilkiisa u soo qabteen.
Nabadoonka oo laga garanaayay Degmada Yaaqshiid, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in loo dilay, isagoo ka qaybgalay shirar uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Maamulka Degmada Yaaqshiid.
Maxamed Yuusuf Nuur, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, ayaa qoyska iyo ehelada Nabadoon Tiiteeye ugu laab qaboojiyay in lagu dabo jooggo dembiilayaasha.
Ugu dambeyntii, Ragga dilka gaystay, ayaa waxaa si dhow loola xiriirinayaa mintidiinta Ururka Al Shabaab, kuwaa oo beegsada Odayaasha Dhaqanka ee u xagliya dhinaca Dowladda Dhexe Somaliya.