Mn(INO)-Guriga cad ee maraykanka oo la aaminsan yahay in uu yahay goobta dunida oo dhan si toos ah ama dadban looga arrimiyo ayaa waxa uu leeyahay sheekooyin badan oo yaab leh, qormadan waxa aynu ku eegi doonnaa dhacdooyin taariikhi ah iyo arrimo yaab leh oo muddadii uu gurigan cadi jiray ka dhacay waxaana ka mid ah.
Guriga Cad ee Maraykanku, weligii muu ahayn caddaan. Tusaale ahaan wixii ka horreeyey sannadkii 1814kii midabkiisu waxa uu ahaa midabka aynu u naqaanno Dameeri, laakiin sanadkan 1814kii ayaa ciidamadii Ingiriiska oo Maraykanka gumaysan jiray oo la dagaalamayey xoogaggii gobonnimo doonka ahaa ee dalka qabsaday ay gubeen Guriga Cad. Gubashadaa kadib markii dib loo cusboonaysiinayey Guriga Cad ayaa midabkiisa laga dhigay caddaan si loo qariyo raadadkii gubniinka, midabkaas cusub ayaanu ku baxay magaca caanka ah ee gurigani ee White House.
Qolka xafiiska u ah madaxweynaha dalka Maraykanka waxa lagu naanaysaa Gurigaygii, waxaana magacan loo bixiyey xilligii uu John. F. Kennedy ahaa madaxweynaha. Arrinta xiisaha lihi waa in magacan uu bixiyey inan ama wiil yar oo uu dhalay Kennedy oo isagu ku dhex ciyaari jiray qolkan kana dhigan jiray meel uu ku dhuumaalaysto gaar ahaan miiska madaxweynaha hoostiisa.
Xilligii uu madaxweynaha ahaa Franklin Roosevelt waxa dhacday qiso yaab leh; Carruur uu dhalay madaxweyne Franklin Roosevelt ayaa si qarsoodi ah ugu soo tahriibiyey guriga cad gudihiisa faras yar oo ay bannaanka ka keeneen, faraskan iyada oo aan cidi ogaan ayey carruurtu muddo ku dhex haysteen dabaqa labaad ee guriga cad oo ah halka ay ku nool yihiin qoyska madaxweynuhu, arrintaas oo yaab ku noqotay hay’adaha amniga.
Sannadkii 1861kii afar maalmood kadib markii uu xilka madaxweynenimo la wareegay Abraham Lincoln ayaa koox tuug ahi ay u soo dhaceen Guriga Cad, waxa aanay qaateen dhar iyo koofiyado loogu talo galay soo dhoweynta martida.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Harry Truman ayaa guriga cad u bixiyey Xabsiga Weyn ee Cad, laakiin madaxweyne Ronald Reagan ayaa isagu xilligiisii Guriga Cad u bixiyey, Rugta-Raaxada iyo Huteelka Dabaqadda Sare.
Xilligii uu madaxweynaha ahaa Dewitt Eisenhower waxa uu dabaqa sare ee Guriga Cad ka dhigay halka ay qoysku degeyaan, sababtuna waxa ay ahayd, madaxweyne Eisenhower oo jeclaa cunto karinta ayaa doorbiday in uu guri ka dhigto dusha sare ee aanay dadku soo gelayn, waayo waxa uu dusha ka dhiganayey kijada, si aan loo arag xilliga uu cuntada karinayo.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Gerald Ford ayaa waxa uu lahaa xilli go’an oo uu maalin kasta ku mayrto ama ku qubeysto xamaamka dabbaasha ee Guriga Cad. Madaxweyne Ford ma’ uu jeclayn in uu waqtigaas uu mayrashada caadaystay wax ka beddelo, sidaa awgeed waxa dhacday in mar xilligii mayrashadu uu kaga beegmay shir jaraa’id oo muhiim ah, kadib isaga oo ku dhex jira barkaddii ayuu shirkii jaraa’id ku dhex qabtay, kana jawaabay su’aalaha saxafiyiinta oo hareera taagnaa barkadda.
Abraham Lincoln waxa uu ahaa madaxweynihii illaa hadda ugu dheeraa ee soo mara guriga cad. Waxa uu dhererkiisu ahaa 1.93 Mitir. Laakiin madaxweynaha hadda Barack Obama ayaan qudhiisu dab yar shidayn oo dhererkiisu yahay 1.87 Mitir.
W/Q: WariyeAbdulahi Nur Colombo
Idale News Online, MN, USA