Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa shaaciyay in Shacabka ku nool Deegaanada ay maamulaan aanay Ciidin Maanta oo ay Maalin Soon ah u tahay.
Shacab ku nool qeybo badan oo kamid ah Gobolka Galgaduud, ayaa Xalay lagu wargeliyay in aysan Ciidin Maanta, oo Dunida Muslimka oo dhan ay u tahay Maalin Ciid ah, 1-da Bisha Shawaal ee Hijriyada 1435.
Deegaanada kale ee Maamulka Ximan & Xeeb & kuwa ay maamusho Kooxda Al shabaab ayaa laga ciidayaa, waxaana ay lamid yihiin Gobolada kale ee dalka, sidan Goobaha ay Dowladda Federaalka gacanta ku hayso, Jubbooyinka, Puntland & Somaliland.
Ma ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale Labo Maalin u kala ciidaan Shacabka Somaaliyeed ee ku nool Koonfurta & Bartamaha dalka, sababtoo ah Maamulka Ahlu Sunna oo aaminsan in aysan Soonka ku furin Bisha oo laga arkay Meel kale dalka ama dibadda, waxa ay ku doodaan Bil ku soon, Bilna ku afur, kaliya inay iyagu arkaan Bisha.
Idale News Online – Muqdisho