Madaxda DFS oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Ra’iisul wasaaraha, xubnaha G/wasiirrada, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa kummanaan dadweyne ah, salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan, isla markaana ay joojiyaan Colaadaha aan Mincaha badan ku dhisneyd ee dalka dib u celinaya, waxauna ku boorriyey dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo Midnimo iyo wada hadal in ay isugu yimaadaan.
Sidoo kale madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khubaddiisa sii wata, ayaa ka hadlay, dhibaatada Qalaafka uu dalkeenna u leeyahay, waxa uu mar kale hoosta ka xariiqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalladaasi, waxa uu hey’adaha ammaanka ee dowladda faray in ay tallaabada ku habboon ka qaadaan cid walba oo hurineysa colaad shacabka lagu waxyeeleynayo, odeyaasha Dhaqanka iyo Culimada Soomaaliyeedna ay gacan ka geystaan sidii colaadaha loo joojin lahaa, iyadoo madaxweynuhu ku baaqay is cafin guud.
Ugu dambeyntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in loo istaago sidii loo sii xoojin lahaa la dagaallanka kooxaha nabad diidka ah, waxa uu waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dhallinyaradooda kala soo baxayaan kooxaha argagixisada ah, Shacabka Soomaaliyeed oo dhanna ay diyaar u yihiin la dagaallanka nabad diidka, isagoo intaa raaciyey madaxweynaha in Dowladda Soomaaliya ay soo dhoweneyso ciddii ka soo laabata fikirka Xagjirnimada ah.
Dhinaca kale, wasiirrada, masuuliyiinta kale ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee salaadda ku wada Dukaday salaadda Ciidda ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasibadda Ciidda, waxa ayna ka codsadeen in ay u dhaga nuglaadaan baaqa madaxweynaha ee ahaa is cafin guud.
Idale News Online – War Saxaafadeed