Qarax wadada dhinaceeda la dhigay ayaa la kacey baabuur ay lahaayeen ciidanka sirdoonka Jubaland, iyo hal askari oo ku dhaawacmay qaraxaas

0
215

Qarax lagu weeraray ciidamada maamulka Jubbaland ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, qaraxaas oo uu ku dhaawacmay hal askari.

Weerarkan oo ka dhashay miino waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada sirta ee maamulka Jubaland, iyadoo halkaas uu ku burburay gaarigii ay ciidamadu wateen.

qaraxii1 qaraxii

“Qaraxu wuxuu ka dhacay suuqa Umburotooriya ee xaafadda Faanoole ee degmada Kismaayo, wuxuuna ahaa mid xoogan oo laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada,” ayuu yiri wariyaha Warbaahinta ee Kismaayo, Xasan Nuur.

Kadihb Markii Qaraxa Dhacay Ciidamada Maamulka Jubaland Iyo Kuwa Amisom Ayaa Gaareey Goobta UU qaraxani ka Dhacay Iyagoona Dad u Qabtay Sida Wararka Nagu Soo gaarayaan Aan helayno

Idale News Online