Shacabka magaalada Qardho ayaa maanta gubay Sanaadiikhdii Doorashada ee magaalada la keenay kadib dagaal saacado badan socday oo dhexmaray shacabka iyo ciidamadii waday Sanaadiikhda codbixinta oo ka yimid magaalada Garowe.
Waxaa la yaab noqotay gaariga Sanaadiikhda siday ee ciidamada Puntland ee ka yimid Garowe ay wadeen ayaa ahaa mid nooca rakaabka, isla markaana watay Labo taariko oo kala ah Somaliland iyo Puntland. Taarikada Somaliland ayaa hooseysay, waxaana ku dul dhaganeyd taarikada Puntland. Horey ayey gaadiidleyda Puntland u diideen inay qaadaan Sanaadiikhda Doorashada kadib markii ay digniino badan kasoo baxeen degmooyin iyo gobalo badan oo kamid ah Puntland oo qaadacay habka doorashada loo wado.
Magaalada Gaalkacyo ayaa isla saaka lagu gubay sidoo kale sanaadiikhdii halkaasi la geeyey kadib markii ay ciidamadii magaalada tagay ay isku hareereyeen shacab hubeysan, Gaalkacyo ayaan wax dagaal ah ka dhicin kadib markii ciidamadii halkaasi tagay si nabad ah sanaadiikhda ugu wareejiyeen shacabka gadoodsan.
Subaxnimadii Axada ayey Shacabka magaalada Qardho ku baraarugay gaadiidka tiknikada ah ee waday sanaadiiqda oo ku sugnaa Xarunta Booliiska ayaa halkaasi kala hortagay mudaharaad xoogan, waxaana halkaasi ka bilaabatay rasaas ay ciidamada ku ridayeen dadka shacabka ah.
7dii subaxnimo ayuu dagaalka xoogeystay kadib markii ay shacab hubeysan weerar labaad ku qaadeen goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal xoogleh oo la isu adeegsaday hubka Tiknikada.
Khasaaraha dhimashada ayaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan, balse wararka intooda badan ayaa sheegaya in 3 kamid ah ciidamada iyo 2 qof oo rayid ah dagaalka ku dhinteen, dhaawaca ayaa intaasi ka badan.
Sadexda Askari ee dagaalka ku dhintay waxaa kamid ah Taliyihii watay ciidamada Sanaadiikhda soo geliyey magaalada Qardho. Ciidamadiisii iyo kuwa Booliiska magaalada Qardho ayaa hada ku jira gudaha xarunta Booliiska ee Qardho.
Gurmad Ciidan
Magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe ayey hada kasoo baxeen ciidamo gurmad ah oo ay xukuumada u direyso magaalada Qardho iyo ciidamada ku hareeraysan xarunta Booliiska, waxaana laga baqayaa in saacadaha soo socda uu dagaalka sii xoogeysan karo.
Maalinimadii Khamiista ayey bayaan ay beelaha gobalka Karkaar kasoo saareen doorashooyinka ay wado xukuumada Puntland ku tilmaamay inaan laga ogoleyn deegaanada Karkaar, iyagoo uga digay dowlada Puntland inay awood shacabka u adeegsadaan ama khal khal amniga geliyaan.
Waxaa magaalada Qardho hada laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan, waxaana markii ugu horeysay in muddo ah wadooyinka magaalada Qardho lagu arkay gaadiidka dagaalka ee hubka culus saaran yihiin oo ka garab dagaalamaya dadka shacabka ah ee kasoo horjeeda ciidamada magaalada soo galiyey sanaadiikhda doorashada.
Dhinaca kale magaalooyinka Iskushuban, Rako iyo Bander Bayla ayaa laga soo saaray labo maalmood kahor gaadiidkii waday sanaadiikhda doorashada kadib markii ay shacabkii halkaasi degenaa kasoo horjeesteen, magaalada Rako ayey sidoo kale ka dhaceen rasaas lala beegsaday ciidamadii halkaasi tagay oo markii danbe dib uga soo noqday.
Idale News Online, Bosaso