Qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Afgoye

0
246

Muqdisho (INO)—Ugu yaraan toban askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku dhimatay afar kale oo uu ku jiro taliye sare oo ka tirsan ciidamada xooggana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen uu dul maray miino lagu aasay wadada meel ku dhow degmada Afgoye.

Weerarkan miinada ah oo ah kii ugu qasaaraha badnaa oo bilooyinkii la so dhaafay ka dhacay degmada Afgooye ayaa la sheegay in loo soo qabqabtay dhowr ruux oo ka ag dhowaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Gaariga ay saarnaayeen ciidamadan oo ahaa nooca loo yaqaan Cabdi Bilaha ayaa gebi ahaan uu gubtay iyadoo qaraxana uu ka dhacay halka loo yaqaan Buulo Foolyo oo qiyaastii 3km u jirta degmada Afgooye.

Gaariga Cabdi Bilaha ah ayaa ka tagay magaalada Muqdisho isagoo la sheegay inuu u socday Laanta Buuro oo ay fariisin ku leeyihiin  ciidamada Milatiga Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka wali wax war ah kama soo saarin qaraxa maanta lala beegsaday ciidamada milatariga ee dhimashada iyo dhaawaca sababay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here