Muqdisho(INO)— Waxaa gelinkii dambe ee maanta la soo gaba gabeeyay shirkii Madasha wada tashiga qaran ee hanaanka doorashooyinka sanadka 2016, iyadoo maalmihii shirka socday la isku mari la’aa habka doorasho ee la qaadanayo, waxaana Madaxda Soomaalida ay ahaayeen kuwo ku kala aragti duwanaa.
Shirka ayaa waxaa laga soo war murtiyeed ka kooban todobo qodob, kaasoo Madaxda shirka isla garteen, waxaana qodobada ka mid ah in la dhiso Golaha aqalka sare iyo aqalka hoose, iyadoo la isku dheeli tirayo qaababka lagu soo xulayo ee 4.5 iyo hab deegaan.
War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in 10-ka bisha Janaayo shir kale la isugu yimaado, kaasoo ka dhici doona magaalada Kismaayo, waxaana shirkaas lagu sii ambaqaadi doonaa war murtiyeedka.
Shirka ayaa wali socda, waxaana Madaxda ka qeyb galeysa ay khudbad ka jeedinayaan, iyadoo xilligan la joogo maqribnimo
La soco goor dhow war murtiyeedka shirka oo dhameystiran.
Idale News Online, Muqdisho