Muqdisho (INO) – Khilaaf salka ku haaya kala aragti duwanaanshaha uu keenay nidaanka 4.5, awood qebsiga deegaanka iyo muddo korarsi loo sameeyo hay’adaha dowlada ee waqtigu ka sii dhamaanaayo, ayaa waxuu ka dhex curtay hogaanka sare ee dalka gaar ahaan Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo R/Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake. Khilaafkaan cusub ayaa yimid ka dib markii madaxdu ay ku kala aragti duwanaaneen barnaamijka kala guurka isla markaasna ay la kala safteen dhinacyada kala aamisan nidaamka 4.5 iyo in degaan wax lagu qeybsado.
Madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa labaduba dadaal hoose ugu jira sidii ay taageero ugu heli lahaayeen hanaanka doorasho iyo barnaamijka higsiga 2016. Madaxweyne Xasan ayaa la rumeysan yahay in fursad u tahay in la qaato awood qebsiga qabiilka ku dhisan ee 4.5, taasina ay u suurto galin karto inuu si sahlan ugu guuleysto doorashada dhici doona bisha September ee sanadda 2016, halka R/wasaaruhu uu isna taageersan yahay aragtida maamulada Jubaland iyo Puntland ee ah in hab deegaan wax lagu qeybsado oo aan dib dambe loogu noqon nidaamkii muddada 16 sano jiray.
Madaxda maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo qeyb ka mid ah dowlada federaalka ayaa iyagu taageersan nidaamka 4.5, waxay sheegeen in awood qeybsiga deegaanka ku dhisan uu yahay mid cadaalad daro ku dhisan oo aan loo dhameyn.
Khilaafka noocaan ah ee madaxda sare ee dowlada ayaan aheyn mid ku cusub saaxada siyaasada Soomaaliya iyo dhegaha dadweynaha Soomaaliyeed, hase ahaatee khilaafkaan ugu dambeeya ayaa ku soo aadaaya iyadoo lagu jiro xaalad kala guur ah isla markaasna ay adag tahay in dhinacba dhinac kale uu si sahlan u loodiyo.
Idale News Online