Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo uu waday ruux naftii hure ah oo la beegsaday kolonyo ay la socdeen AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Gaariga oo ahaa kuwa raaxada ayaa dhex galay kolonyada AMISOM, iyadoo mid ka mid ah gawaaridooda uu ku dhiftay, iyadoo qasaare uu soo gaaray gaariga.
Inta la og yahay labo ruux ayaa ku dhimatay, toban kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa ismiidaaminta, waxaana dadkaas ka mid ahaa kuwo wadada marayay iyo dad hareeraha wadada ku ganacsanayay.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, iyadoo dhaawiciisa uu yahay mid fudud.
Wariye Macalimuu oo aan la xiriirnay, isagoo ku sugan Isbitaal Madiina ayaa sheegay in dhaawiciisa uu garabka yahay, isla markaana gaari uu watay uu bur bur soo gaaray, isla markaana xaaladiisa ay wanaagsan tahay.
Goobta qaraxa ka dhacay oo u dhaxeysa Sartii Maslax iyo Xaruntii UNDP ayaa halkaas waxaa ku sugan ciidamada dowladda, iyadoo gawaarida loo diidan yahay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya waxaa qaraxan ismiidaaminta uu noqonayaa kii u horeeyay oo bishan Ramadaan uu ka dhaco magaalada Muqdisho.
La soco wixii ku soo kordha.