GeneraalYuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo Warbaahinta gudaha magalaada Muqdisho la hadley isla markaana ka hadley arimaha Xasan Daahir Aweys, ayaa waxaa uu sheegey in aaney jirin cid si qasab ah ku heysan karta Sheekh Xasan Daahir.
Yuusuf Indhacadde ayaa waxaa uu sheegey in Xasan Daahir xaaladiisu ay aad u wanaagsan tahay iminka, islamarkaana uu haatan ku sugan yahay meel amaan ah, laakin aanu weli dib u helin xuriyaddiisi shaqsiyadeed waa sida uu hadalka u dhigayee.
Waxaa uu sidoo kale sheegey in Dowladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid uga baxeysa balamihii ay horey ula gashey ee ku aadanaa in Xasan Daahir ay xuriyadiisu dib u siin doonto muda hal isbuuc gudihiisa ah.
Yusuf indhacadda ayaa waxaa uu yiri “ ma jirto cid intaan ka badan heysan karta Xasan Daahir, keliya anagu waxaan sugeynaa in ay Dowladda caddeyso go’aankeeda ku aadan sii deynta Xasan Daahir, sabaabto ah Dowladda horey ayey anaga balan noola gashey”
Ugu danbeytii Yuusuf Indhacadde aya sheegey in beshoodu ay keliya sugeyso Go’aanka ugu danbeya ee ay Dowladu ka qaadato Xasan Daahir.
Idale News Online, Mogadishu