Qarax aad u weyn oo ka dhacay Bariga Turkiga

0
171

Istanbul(INO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyoodey 30 kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii qarax xooggan ka dhacay bartamaha dalka Turkiga ee Diyarbakir, oo ah magaalada u weyn ee ay deggan yihiin dadka Kurdida Koonfur Bari Turkiga.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw dhisme Boolis. Waxaa goobta loo direy gawaarida Aanbalaasta, sida laga soo xiganayo Telefishanka CNN Turk.

Sida laga soo xiganayo Wakaaladda wararka ee Reuters qaraxa ayaa loo adeegsadey gaari bom lagu soo xiray oo la dhigey saldhig Boolis agtiisa, hal qof ayaana isla goobtaas ku geeriyoodey inta la xaqiijiyey dad ka badan 30 qofna waa ku dhaawacmeen.

Wasiirka Caddaaladda ee Turkiga ayaa u sheegay CNN Turk in qaraxa ay waxyeelo ka soo gaartey Boolis iyo dad rayid ah labadaba.

Dhawaaqa qaraxa ayaa laga maqley dhawr kiilomitir, waxaana cirka isku shareeray qiiq cad oo goobta qaraxa ka baxay. Isla goobta ayaa laga maqley dhawaaqa rasaas ka dhacaysey Baastoolado. Dadka dhaawacmey ayaa qaarkood yihiin kuwo aad u liita, sida ay sheegeen laamaha amniga ee Turkiga oo saxaafadda kula hadley in aan magacooda la sheegin.

Magaalada Diyabakir ayaa ah midda u weyn ee ay deggan yihiin dadka Kurdida ah Konfur Bari Turkiga, Qaraxa ayaa dhacay saacado kadib markii Boolisku qabteen hoggaamiyihii Xisbiga HDP ee Kurdididu taageerto kaas oo Xildhibaano badan ku leh baarlamaanka.