Madaxweyne Osoble: ” Xubnaha Aqalka Sare waxaa Degmada Jowhar lagu dooranayaa Maalmaha soo Socda”

0
184

Jowhar(INO) — Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble Siyaas, ayaa sheegay in Axada soo socota la qabanayo dorashada xubnaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ku meteli doona maamulka uu Hoggaaminayo.

Cali C/llaahi oo Shir jaraa’id ku qabtay Jowhar, kaddib markuu kasoo laabtay shir uu kaga soo Qayb-galay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in maamulkiisa uu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhisi doono labada aqal ee baarlamaanka Somalia ku Meteli doona.

Sidoo kale, Madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa xusay in sababaha uu sida Dhaqasha badan ugu soo laabtay Jowhar ay tahay sidii loo dar-dar-gelin lahaa in la dhiso Aqallada Sare iyo Hoose, isla markaana aan la waqti badan la hayn, maadaama maamulkiisa laga sugayo inuu soo dhiso xubnaha Aqlladaas uga mid noqonaya.

“Xubnaha Aqalka Sare, waxaan rajeyneynaa in Axada soo socota la doorto, waxaa markii aan Jowhar kusoo laabtay la kulmay guddiga doorashada iyo weliba odayaasha-dhaqanka, Waayo labada Aqal waa isku keen dul-saaran yihiin, marka laga baxo Aqalka Sare ayaa billaabaynaa Aqalka Hoose,” ayuu mar kale yiri Madaxweyaha maamulka Hir-shabeelle.

Dhanka kale, Toddobaadkii hore ayaa waxaa dib u dhac ku yimid shaacinta liiska xubnaha Aqalka Sare ee Hir-shabeelle, waxaana soo baxayay muran Xubno lagu soo daray liiska ka dhashay.

Ugu dambeyn, Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku Qul -qulayay Musharraxiin, Siyaasiyiin, odayaal-dhaqameedyo, iyo ergooyin, waxaana ka socda Jowhar hawlo ku aaddan dhismaha xubnaha Aqallada Sare iyo Hoose.