Qahira: General Cabdulfataax Al-Sissi oo maanta loo dhaarinaayo Xilka Madaxtinimada Dalka Masar.

0
193

Al-Sissi, ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah loo dhaariyo Madaxtinimada dalka Masar, kadib markii uu si aqlabiyad leh kaga guuleeystay Xamdiin Sabahi.

Al-Sissi, oo horay u ahaa wasiirka difaaca Masar xiligii Madaxweyne Morsi, ayaa lagu dhaarin doonaa Maxkamada ugu sareysa dalkaas, kahor inta uusan qaabilin Wufuuda ka qeyb galeysa Xaflada lagu dhaarinayo.

Laamaha amaanka ayaa ah kuwo si aad ah u adkeeyay amniga, iyadoo ciidamo aad u farabadan lasoo dhoobay wdooyinka muhimka ah ee magaalada Qahira.

Al-Sissi, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadii dhacday Bishii lasoo dhaafay, waxaana uu helay 97%  dhamaan codadkii la dhiibtay, halka ninkii isaga la tartamayayna uu helay 3% codadkii la dhiibtay.

Al-Sissi, ayaa dhaxlaya Umad kala qeybsan, waxaana dadka taxliiliya siyaasada Masar ay ka digayaan, in Sissi uu wajihi doono mucaaradad xoogan iyo banaanbaxyo, haduusan ka dhabayn balanqaadyada uu sameeyay labada Sano ee soo aadan.

Sissi, ayaa xiligii olalaha doorashada shacabka u ballan qaaday, inuu sameyn doono Cadaalad, xuriyad iyo shaqo abuuris.

sisi

Idale News Online, Qahira, Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com