Hooyo u dhalatay Dalka Hindiya oo lagu Magacaabo Gauri Shah ayaa waxa ay iibisay cunugeedii afaraad oo ahaa wiil ,kadib markii ay ku dhashay isbitaalka, iyada oo ku bedelatay £130 oo u dhigantay qiyaas ahaan $200 (laba boqol oo doolar).
Hooyada ayaa waxa ay wiilkeeda u gacan gelisay qoys caruur la’aan ahaa, waxa ayna sheegtay in arintaani ay ku dhaqaaqday kadib markii aabaha dhalay afarta caruurta ah uu ka dhuuntay markii ay yeelatay uurka wiilka hada ay dhashay ayna weysay waxa ay ku quudiso caruurteeda.
Gauri Shah ayaa hoosta ka xariiqday in ay ku noolyihiin iyada iyo caruurteeda xoogaa yar hooyadeed oo da’ ah maalintii ay tuugsi ku keento arintaas oo iyada ku riday jaha wareer.
Dowlada Hindiya ayaa waxa ay ogaatay arinta ku aadan iibsiga cunuga waxa ayna durbadiiba kasoo celisay reerkii laga iibiyay inkasta oo ay diiday hooyadu in cunugeeda ay qaadato iyada oo ku andacootay in aysan heli doonin wax ay siiso sidaa darteed ay dooneyso in laga celiyo.
Waxaa lasiiyay hooyada laba bilood ay uga fiirsato in cunugeeda ay dib ula wareegto iyo in kale waxaana wiilkii yaraa la geeyay goob lagu xanaaneeyo caruurta.
Hakan Ka Daawo Sawiradda:
Idale News Online, Gauri Shah/ India. Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gimail.com