Muqdisho(INO)-Waxaa ka socda garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho dhaq dhaqaaqyo lagu soo dhaweynayo wafuud caalami ah oo ka socda dalalka ku mideysan urur goboleedka IGAD,kuwaasi oo maanta soo gaaraya Muqdisho.
Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ay u xilsaartay soo dhaweynta wafuuda caalamiga ah ee iyagu doonaya inay ka qeyb galaan shirka wasiirada arimaha dibada Urur goboleedka IGAD,kaasi oo lagu qabanayo mudo 23-sano ka dib Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka socota safaarada Jabuuti ee Soomaaliya oo ku sugan Garoonka diyaaradaha ayaa sugaya wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada dalka Jabuuti oo la filayo in maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho kaasi oo qeyb ka ah shirka heerka wasiirada arimaha dibada IGAD.
Sidoo kale,Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa laga dareemayaa mashquulka ku aadan martigelinta shirka caalamiga ah,waxaana socda hada qaban qaabadii ugu danbeysay.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furmo shirka,waxaana si weyn lo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho iyadoo maalintii sedexaad ay xiran yihiin wadooyinka muhiimka ah.
Idale News Online, Muqdisho.