Midowga Africa oo sheegay inay sii wiiqmeyso awooda Malitari Ee Al-shabaab

0
205

Muqdisho(INO)-Ciidamada Midowga Africa AMISOM iyo kuwa Dowlada Somaaliya oo iskaashanaya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaano iyo degmooyin muhiim u ahaa oo ku yaala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,sida uu sheegay Ergayda AU u qaabilsan Somalia. 

DAJIRE MAM

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa ugu qeybsan Soomaaliya Maman Sidikou oo la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa shaaca ka qaaday in awooda Malitari ee Al-shabaab sii yaraaneyso,islamarkaana kaliya howlgalkooda ku soo koobeen weeraro ku dhifoo ka dhaqaaq ah,miinooinka dhulka lagu aaso iyo dad la isku qarxiyo,wuxuuna meesha ka saaray inay weeraradasi sii soconayaan abidkood.

” Markii ay AMISOM ka itaal roonaadeen waxay shabaabku istiraatijayad ahaa u badasheen dooxada Jubba iyagoo uga sii gudbay deegaanada Puntland,” ayuu yiri Maman Sidikou Ergayda AU ee Soomaaliya.


Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray Maman Sidikou in dagaalka Al-shabaab sii socon doono inta la ciribtirayo sida uu hadalka u dhigay wuxuu uggu yeeray argagixisada Bariga Africa.

Inkastoo Midowga Africa uu sheegay inay sii wiiqmeyso awooda malitari ee Al-shabaab ayaa hadana waxaa jira walaac dhanka amaanka ah oo laga qabo Al-shabaab Soomaaliya iyo waliba dalalka deriska gaar ahaan kuwa Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya.

Waxayna wali sii wadaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada Dowlada iyo kuwa caawinaya.

Waxaana Al-shabaab weerarkii ugu danbeeyay ku qaadeen xarunta Taliska ugu weyn AMISOM ee ku yaalo magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho.