Qaadka oo maanta Magaalada Muqdisho la keenaayo

0
264

Muqdisho(INO)-Muddo saddex cisho kadib waxaa maanta dib u bilaabanaya diyaaradihii qaadka ee laga keeni jiray dalka Kenya, sida ay sheegtay Sureer Jaamac Maxamuud oo ka mid ah ganacstada qaadka ka keena dalka Kenya.

JAAD
Ganacsatada qaadka waxa ay sheegeen in qiimo dhimis lagu sameeyay qiimihii jaadka ee ay ka caban jireen, maadaama markii hore Jawaanka jaadka laga siin jiray 55-kun oo lacagta Kenya ah, balse hada laga dhimay lacagta oo laga siinaayo 25-kun Kenya ah.
Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa maanta inay soo gaaraan 16 diyaaradood halka Puntland ay tageyso 6-diyaaradood oo qaad ah.
Qaadka dalka Kenya ka baxa ayaa suuqa kaliya ee uu haysto hada waxa ay tahay dalka Soomaaliya, maadaama dalka UK horay looga mamnuucay qaadkaan oo Kenya ay geyn jirtay.
 Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here