Daawo: Wefdigii KG Soomaaliya Oo Kulun La Qaatey Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Itoobiya

0
273

Addis(INO)-Wefidiga Dowlada  koonfur galbeed soomaaliya oo ku sugan Magaaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa  waxay kulan la qaateen wasiirka arimaha dibad Dolwada  wadanka Itoobiya  Mr.Tedros adhanom.

Kulunka ayaa looga hadley arimo badan oo ku saabsan xariirka dowalda itoobiya iyo maamulka koonfur galbeed soomaaliya , geeda socodka  nabada dalka soomaaliya iyo weliba  la dagaalanka kooxda Al-shabab ee soomaaliya ka dagaalanta.

Dowlada itoobiya ayaa balanqaadey, airimo badan  oo  wefdiga maamulka koonfur galbeed soomaliya ay u soo bandhigeen in laga gacansiyo,  oo ugu horeeyo amaanka , maamul wanaaga iyo sidoo kale Qalabeynta ciidamo gaar ah uu yeesho maamulka koonfur galbeed soomaaliya isla markaana hoos tago DF Soomaaliya.

Intii uu Socodey Kulanka , waxa  uu wasiirka arimaha dibada Dalka itoobiya uu gudoonsiyey Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaaliya  hadiyad, uu sheegey in ay ka timid shacabka itoobiya.

Ugu dambeyntii Wefdiga koonfur galbeed Soomaaliya ayaa  waxay ku sugan yihiin  dalka itoobiya kudhawaad  hal todobaad ayagoona kulumo la qaatey madax ka tirsan Dowlada itoobiya isla markaana waxay booqasho ay ku tageen xarunta dowlad degaanka soomaalida Itoobiya ee Jigjiga halkaasoo si weyn looga soo dhaweeyey.

Halkan Ka Daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here