Prof. Jawaari Oo Mugdiga Ka Saaray Arrimo Dhowr Ah Oo Ka Taagan Baydhabo

0
161

Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari” oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa ka hadlay doorashada labada Aqal ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo deegaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Prof. Jawaari waxa uu sheegay in ujeedka socdaalkiisa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay uu yahay mid la xiriira doorashada waxa uuna tilmaamay in wax waliba ay si fiican u socdaan.

Prof. Jawaari waxa uu sheegay in dhammaan Ergooyinka ay si waafi ah u gudanayaan howlahooda waxa uuna cadeeyay inaanu jirin cabasho uu la kulmay saacadaha uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo.

Doorashada ka dhici doonta deegaanada nabada ay ka jirto ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayuu sheegay inay noqon doonto mid taariikhi ah waxa uuna mugdiga ka saaray inay dhicikarto khilaaf.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in qorshaha dowlada uu yahay inaanu faragalin lagu sameyn hanaanka ay Ergada kusoo xulayaan xubnaha u matalaaya labada Aqal.

Ugu dambeyntii, Haddalka Jawaari ayaa u muuqanaaya mid lagu daboolaayo khilaaf la sheegay in dhawaan uu ka dhex curtay Shariif Xasan iyo Ergada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee xubnaha labada Aqal soo xuleysa.