Muqdisho ( INO)-Sida ay baahisay Warbaahinta Afka Dowladda Federaalka ku hadasha Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Shacabka oo la kiciyo islamarkaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo Dhibaato sii dheeraata,wuxuuna tilmaamay in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka Dowladnimo ee Dalka ka jirta.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in Dalka uu ka dhaco Kacdoon lagu dumiyo Nidaamka Dowladnimada ee Dalka ka jira si la mid Kacdoonkii lagu riday Dowladdii Milatariga ee ka jirtay sanadkii 1991-kii.
“Soomaaliya waxaa ay Burbur iyo Dagaal ku jirtay Mudo Rubac Qarni ah,hadda waxay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda hayaan waddadii Dowladdnimo,marka ma ahan in aan Gacanteena ku dumino,waayo waxaa la xasuustaa waxii laga dhaxlay Dowladdii dhexe ee Dalka uu lahaa markii la riday”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha hadalkiisu ayaa imanaya xilli Shalay Shacab fara badan oo taageersan Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG , Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay isku soo bax soo dhaeweyn ah ugu sameeyeen Muqdisho Mudane Shariif.
Sidoo kale dadweyne intaas ka sii badan ayaa la filayaa in ay soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.