Ololaha Ka Mid Noqoshada BFS Ee 2016 Oo Si Xowli Ah Uga Socoda Baydhabo

0
172

Baydhabo(INO)- Siyaasiyiin iyo Xubno kasoo jeedaa Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo orod ugu jira in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay in ay iibsadaan guryahooda iyo beero ay leeyihiin si ay uga mid noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Dadkan doonaya in ay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub ayaa lacagaha ay ku iibasanayaan guryahooda iyo beeraha ay leeyihiin uga gon leh sidii ay ugu adeegsan lahaayeen oloahooda iyo in ay lacagtaasi ka saacido in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub.

Waxaa jiri doona Tartan adag ay la kulmi doonaan Xildhibanaada hada ku jira Baarlamaanka Soomaaliya mar kalana doonaya in ay kamid noqdaan Barlamaanka Cusub, waxaana hada ay noqotay qof walbo oo doonaya kursiga Baarlamaanka in uu lacago sii aruursado.

Xildhibaan walbo oo kamid noqon doona Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa dooran doona 51-qof oo kasoo jeeda beeshiisa, waxa uuna qof walbo oo doonaya Kursiga uu ku qasban yahay in uu kasbado 51-qof uu codkooda rabo isaga oo adeegsanaya siyaasad iyo lacag intaba.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in doorashada Baarlamaanka Soomaaliya aysan ka marnaan doonin lacago musuq maasuq ah oo lagu kasbado codadka.

Ololaha kamid noqoshada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa si xowli ah uga socda Magaalada Baydhaba, waxaana kursiga xildhibaanimo isku soo sharaxay Xubno badan oo doonaya in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub, kuwaa oo lacago badan horey u heestay iyo kuwa hada doonaya in guryahooda iibsadaan.

Ugu dambeyntii, Waxaa jira Qurbo joog iyagana jeebka horey ugu soo qaatay lacago ay mudo shaqeesanayeen iyo kuwa kale ay kasoo deensadeen bangiyada wadamada ay ku noolyihiin si ay ugu adeegsadaan ololahooda kamid noqshada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.