Dr. Gaas oo si kulul u weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0
181

Muqdisho(INO)- C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland oo galabta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa weeraray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland, ayaa u muuqday mid ka carooday hadal habeenkii Jimcaha uu Madaxweynaha Somaliya ka sheegay Barnaamijka Dood Wadaag oo ka baxa Telefishinka Universal, kaasoo ahaa in Puntland ka kooban tahay laba gobol iyo bar.

Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo, ayaa hadal nacasnimo ah ku sheegay hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan rabaa anigoo fursadaan ka faa’iideysanaaya inaan jawaab yar ka bixiyo hadal aan is leeyahay hadal nacisnimo ahoo Madaxweynihii dalka, Xasan Sheekh uu ka yiri idaacadaha uu lahaa Puntland waa laba gobol iyo bar.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa yiri “Haddee waxaa muuqata Madaxweynaha afar sano dalka waa xukumee inuusan dalkiisa kala aqoon. Waxaa weeye Puntland hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ku yaraan mayso, kuna waynaan mayso.”

C/weli Gaas, ayaa intaa ku daray “Puntland waxaa lagu aas aasay shan gobol iyo Magaalada Buuhoodle, maantana sagaal gobol weeye. Haddii Madaxweynaha uusan aqoon, anagaa bareyna maanta, saasaan u sheegaynaa, ha daawado, ha dhageyso, hana barto, hadduu rajo ka leeyahay dalkaan iyo dadkiisa.”

Dhanka kale C/weli Gaas, ayaa soo hadalqaaday qaraxyadii dhawaan ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Waqooyiga Gaalkacyo, isagoona sheegay in uu ka xun yahay waxyeelada ka soo gaartay rayidka.

Gaas, ayaa waxaa uu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay in ay xasuuqayaan shacabka aan waxba galabsan, ka dib markii uu sheegay in ay dagaalka kaga adkaadeen.