Dhamaan akhritiyaasha sharaf leh Ee ku xiran shabakadda warbaahinta Idale News Online, waxaa La ogeysiinaya meel kasta oo ay caalamka ay ka joogaan, in berito oo ay taariikhdu ay tahay 15 May islamarkaana ku beegan tahay Xuska Maalinta Dhalan yarada soomaaliyeed , Ay Xakin doonto wararkii Caadiga ahaa ee maalinlaha , isla markaana waxay ay xooga saari doonta soo tabinta Xog ku saabsan xisbigi (SYL) sanad guuradiisa ka soo wareegatay 71 sano Aaas aaskii urur xurnimadoonka soomaaliyeed Ee Somali youth League( SYL).
Ururkaasi oo ahaa mid aad ugu weyn qaluubta shacabiga soomaaliyeed, isla markaa usoo halgamey Gobnamada Ama xurnimo Gaarsiinta soomaaliya, si looga xuroobo gumeysii Reer Yurub, gaar ahaan faashistigaTaliyaaniga iyo Dowlada ingiriiska.
Hadaba, shabakada Idale News Online waxay u balanqaadeysaa akhristiyaasha sharaf, badan ama ay ku daali doontaa soo tabinta qoraalo taarikhada (SYL) ah, Sawiro Qadiim ah iyo weli videos, si dhalan da’da yar ee soomaaliyeed oo waqtigan joogo aan wax ugu tusno; sidii dhalantii hore ee soomaaliya ay u firiki jireen, isla markaana ay u arkaan tariikhdooda sharaf leh.
Dhalinyaraasi SYL waxaa xilligaasi u suurtagashay inay mideeyaan shacabka Soomaaliyeed si looga hortago gumeysiga, iyagoo aaminsanaa haddii la helo midnimo laga guuleysan doono gumeysiga, isla markaasina waxaa quluubtooddii ku weynayd waddaniyadda oo ay wax walba ay ka hormsiin jireen si ay u gaaraan ujeedooyinkooda ku xusnaa dastuurka xisbiga SYL oo aheyd in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah iyo in la helo Soomaali weyn.

Xasan Bashaa Ismaciil.
Idale News Online.