Bariga Dhexe:Benyamin Netanyahu “Gantaal Walba oo Ghaza Ka Soo Dhaca, Maxamuud Cabaas Ayaan Kula Xisaabtami Doonaa”.

0
211

Ra’iisul wasaaraha Israaiil Benyamin Netanyahu ayaa sheegay in haddii Maxamuud Cabaas uu ku adkeysto heshiis uu la gaaro Xarakada Xamaas inay taas ka dhalaneyso inay kula xisaabtamaan Saaruukh walba oo dhinaca Ghaza uga soo dhaca Israaiil.

Isagoo ku sugan magaalada Tokiyo ee caasimadda dalka Japan, islamarkaana shir jaraa;id ay wada qabteen dhiggiisa dalka Japan ayaa Netanyahu waxa uu sheegay in saaxada ay kusoo kordheen isbadalo xun, maadaama Maamulka Falastiiiyiinta ee magaalada Ramalla ka taliya ay doonayaan buu yiri inay heshiis la gaaraan Xarakada Xamaas.

“Xamaas waxaa ka go’an inay na bur buriso, annagu waxaan mar walba doonaynaa inay horey loo sii wado nabadda, waxaana doorbideynaa nabad galyada ku imaaneysa dhanka wadahadallada”. Wuxuu hadalkiisa kusii daray :

“Laakiin haddii madaxweyne cabbaas uu ku adkeysto inuu isbaheysi la sameysto Xamaas, annagu waxaan kula xisaabtami doonaan Gantaal walba oo Israa’iil looga soo tuuro dhinaca Ghaza, waxaan rajeynaynaa in heshiiskaas uu bur buro, si aan fursad ugu helno inaan dhammaanteen dib ugu laabano Miiska wadahadallada”.

Hadalka Benyamen Netanyahu waxa uu kusoo aadayaa xilli wafdi ka tirsan Ururka la magac baxay dib u xorreynta Falastiin ee uu horkacayo Maxamuud Cabbaas ay heshiis kula galeen Xarakada Xamaas bishii April ee lasoo dhaafay, waxaana heshiiskaas uu qeexayaa in la dhameeyo kala qeybsanaanta Falastiiniyiinta iyo in la dhiso dowlad ay labada dhinac u wada dhanyihiin.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday arrinta Iiraan, waxa uu yiri Netanyahu ” waxaan danaynaynaa nabad ka dhalata dunida, waxaan u aragnaa heysashada hubka Nukliyeerka ee Maamulka sida Iiraan oo kale ah mid halis weyn ku ah Caalamka”.

Netanyahu oo sii hadlayay waxa uu sheegay inaan marnaba lagu kalsoonaan karin sheegashada Iiraan ee ah in Barnaamijkeeda Nukliyeerka ay u adeegsaneyo arrimo rayyid ah, wuxuuna Iiraan ku tilmaamay Dowladda ugu badan ee marti gelisa waxa uu ugu yeeray Argagixisada.

Benyamin-Netanyahu

Idale News Online.