Oday dhaqmeedyo & Aqoonyahanno baaq u diray Idaacadda BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga.

0
217

Waxgarad isugu jira aqoonyahanno & odayaal-dhaqmeed ka soo kala jeeda Gobolada Bay, Bakool, Sh/dhexe, Hiiraan & Galguduud ayaa maanta (15/05/2014) shir ay Muqdisho ku yeesheen  ka soo saaray  bayaan ay eedeyn  ugu jeedinayaan Idaacadda BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga, oo ay leeyihiin  Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda BBC-d qaab kala xig-sasho ah ayeey ula dhaqmeysaa Gobolada Soomaaliya oo qaarna waxey  baahineysaan dhibaatooyin kooban oo ka dhacay,  halka kuwa kale oo ay soo wajaheen dhibaatooyin ka xoog badan  kuwa Gobolada ay diirada saareysana  ay makaroofankii ka dansatay, taasoo ay ku tilmaameen mid ku takri fal  ay sameynayaan qaar ka mid ah weriyeyayaasha Idaacadda,  waxeyna ugu baaqeen in BBC-da haddii aaney dib isugu laaban oo aaney sixin qaladaadkeeda in ay dacwad u gudbin doonaan Madaxda sare ee BBC-da.

 Afhayeen u hadlay odayaashaasi oo magaciisa ku sheegay  Maxéd Cabdulle, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in deegaano Puntland ka tirsan oo horay lama dagaan u ahaa lagu sheegay in dadkii daganaa ay  abaaro darteed kaga qaxeen,  halka Goboladii ay abaaruhu ka dhaceenna ay BBC-da ka gaabsatay in ay soo tebiso.

bbc

“Puntland waxaad mooda in ay ummadaha kale ka cod dheer yihiin,  oo marka qeyladooda la maqlo la leeyihiin, war naga aamusiya oo waxey rabaan  ha loo diro. Dhowr billood ayey abaaruhu ka jiraan Gobolada Koofurta  hay’dihiina waxeey ku qulqulayaan Puntland,    ma waxaa na loogu marmarsiyoonayaa Alshabaab ayaa joogta.? BBC-da waxaan u aragnaa in ay u eexaneyso maamul doonaya inuu Soomaali inteeda kale iska fogeeyo,  waa maxey kala sooca lagu sameynayo Soomaalida.? Ayuu isweydiiyey Maxéd Cabdullaahi, isaga oo intaana ku daray;

 “Goboladii dhexe oo ah calooshii Soomaaliya oo dadkii ay ku badan yihiin oo ay dhibaatooyin isugu jira abaaro, macluul iyo biyo laáan ay ka jiraan, dadkiina ay tarab tarab u le’anayaan ayey BBC-du iska dhaga tirtay,  waxaadna moodaa keliya in ay xoogga saartay Puntland oo ay u soo dirtay wariye qaas ah, taasina waxaan u aragnaa in ay tahay cadaalad darro”

 Af-hayeenka odayaasha u hadlay, wuxuu kaloo sheegay in BBC-da ay waajib ku tahay in hannaan cadaalad ah in ay  baahida ka jirta dalka u gaarsiiso dunidda, oo aaney noqon hay’ad warbaahineed oo  wariye kastaoo maalintaas shaqada ku qoran uu soo uruursado sidii uu makaroofanka ugu furi lahaa danaha beeshiisa.

“BBC-da sida ay hadda ku socoto haddii aaney wax iska beddelin waxba kama duwanaan doonto Idaacadaha beeluhu leeyihiin ee dalka ka jira. Puntland ayaa hal mar afka furatay,  waxaa la yiri ha loo gurmado, annaga qeyla-dhaanteenii mar hore ayey soo yeertay, waxaa loo baahnaa in ey naga hoosqaadaan” ayuu yiri Maxéd Cabdulle, wuxuuna mar intaa ku sii daray;

 “Shabeelada dhexe sannadkii hore waxaa ka dhacday masiibo ay ku le’deen dad badan oo Soomaali ah,  markii uu Wabigu soo fatahay oo xittaa degmooyin badan ay isku gudbi waayeen, waxaana la xusuustaa in dad badan in iyaga oo  wabiga ka gudbaya in uu Yaxaas cunay,  ilaa hadda dadkii daadadka ka soo qaxay waxaa cooshado looga sameeyey dhulka u dhow Garoonka Jowhar, haddana cabashadooda BBC-du waa fududeysatay,   Puntland oo xilligaas  ay dabeylo ka dhacay oo ay  buundo yar jabtay, lana soo sawiray 4ari oo meyd ah ayeey  BBC-du 4 maalmood u sameysay {Prograamo} joogta ah oo ay ugu talogaashay. Maxeey tahay cadaaladda ceynkaas ah.? Kama xumin meeshii uu qof Soomaali ah ku dhibaateysan yahay waa meesheedii kale, laakiin wixii sannadkii hore ka dhacay Puntland waxey ahaayeen wax si kheyrul caadi ah loo buun-buuniyey”

 “Weriyaha  ay BBC-du u soo dirtay inuu ka soo hadlo abaaaraha Puntland, ma ahan  nin u shaqeynaya qaab wariyenimo ah, waxaa laga dhadhansan karaa wararkiisa kuwa dhinac u janjeera. BBC-da waxaan u soo jeedineynaa in ay isku xishooto, una soo tebiso dhacdooyinka dalka ka dhacay si cadaalad ah” ayuu yiri Max’ed Cabdulle.

Idale News Online, Muqdisho.