Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho GeneralXasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa magacaabay Gudiga xalinta Khilaafaadka Dhulka, kaasoo ka shaqeyn doona sidii is qab qabsiga arrimaha dhulka iyo guryaha la xiriira uu u xalin lahaa.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in magacaabista Gudigan ay fursad qaali u noqoneyso shacabka Soomaaliyeed oo qabay mudooyinkii ugu dambeeyay cabashooyin ku aadan dhulka oo is qab qabsi ku aadanaa.
Gudigan uu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu soo xulay si madax banaan, isla markaana loo xilsaaray in xal waara ka gaaraan wixii cabasho iyo dhib ay qabaan Bulshada Soomaaliyeed.
“Cid Walba gurigeeda waa Dhisan kartaa waana iibsan kartaa mana jirto cid ku heysata laakiin wixii la isku qabsado waa in la kala saaro iyadoo ay ku salaeysan tahay Cadaalad iyo ka run sheegid taas waxaa Gundhig u ah maxkamada iyo Cida kale oo ay Quseeyso”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.
War saxaafadeedka ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaan lagu xusin magacyada xubnaha Gudiga xalinta khilaafaadka dhulka.
Idale News Online, Muqdisho.