Ciidamada Amaanka Maamulka KMG ee JUBBA ayaa waxay dhawaan ka barakaciyeen shacab deggenaa meelo ku dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxa hadana soo baxaya in ciidanka amaanka ay jirdil u geystaan dadka ay guryohooda ka barakicinayaan.
Oday 60 sano jir ah isagoo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu sheegay oo diiday inuu ka mid ahaa dadkii laga raray guryaha ku dhawaa garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba laakiin is hadal dhaaf dhexmaray isaga iyo ciidanka Maamulka Jubba ay ugu badaleen inay jir dil xoogan ugeystaan.
Ninkaan odayga ah ayaa waxa uu sheegay inay ciidanka ku yiraahdeen baabuur sakxadiisa fuul isagana uu ka biyo diiday arintaasi maadama aysan aheyn nadiif waxaana uu sheegay odaygu inay dhaawacyo muuqda iyo mid qarsoon oo jirka ah ay ciidanka Axmed Madoobe ugeysteen.waxa uu lixdan Jirkaasi sidoo kale sheegay inay waayeen meel ay udacwoodaan isagoo tibaaxay in qofkii runta ka hadla la dilayo.y
Ugu Danbeyn Odaygaan 60 jirka ah ayaa codsaday in laga soo gaaro oo wax laga qabto dhibaatadan xoogan ay ciidamada Axmed Madoobe ku Hayaan shacabka deggan halkaasi isagoo xusay in maalin walba dad lagu dhibaateeyo oo aan jirin cid ka hadasha ama maxkamad loo soo tagayo.
Idale News Online, Kismaayo.