Wakiilka Al Shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen ayaa waxa uu sheegay in dulaan ay ku yihiin xubnihi hore ula soo shaqeeyey maamulkii hore ee Gobolka Banaadir isagoo sheegay inay dili doonaan.
Cali Maxamed Xuseen oo faah faahin ka bixinayey weerar qarax loo adeegsaday ay shalay ku dileen Xoghayihii hore ee gobolka Banaadir C/Kaafi Hilowle isagoona sheegay in gudoomiyeyaashii degmooyinka laga qaaday ay dili doonaan.
Cali Maxamed Xuseen ayaa waxa uu intaasi ku daray inay shalay si dirqi ah uga bad baaday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somaliya kaasi oo qarax ay gaarigiisa ugu xireen waxayna ku goodiyeen inay beegsan doonaan xildhibaano badan oo Baarlamaanka katirsan.
Waxaa mudooyinkii u danbeeyay ay xarakada alshabaab kusii kordhiyeen magaalada Muqdisho Weerar culus ay ku bartilmaamedsaneyso Xildhibaanada Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin hore xilal usoo qabtay iyagoo kusii hanjabaya inay socon doonaan howlgaladaasi.
Idale News Online.