Nin Shacab ah oo Askar Waaran u Siday ku Toogtay Hargeysa Kaddibna Baxsaday

0
262

Hargeysa(INO) — Hal Askari ayaa ku geeriyooday mid kalana waa dhaawac ka dib markii shalay nin shicib ah rasaas ku furey askar la sheegay inay u sideen waaran qabasho oo ka soo baxday maxkamadda degmadda Hargeysa.

hargeysa

Sida wararku xusayaan askartan ayaa u dhiibtay ninkan lagu eedeynayo inuu dilka geystay waraaqda waaranka ah ee qabashadda ee maxkamadda usoo jartay, haseyeeshee intuu gurigii dib ugu noqday  ayuu soo qaatay Bastoolad ka dib labaddii askari midna qudha kaga jaray kii kalana dhaawacay.

“Waxay ahayd xaafadda Idaacadda meesha falkaasi ka dhacay, waxaana dhintay nin Askari ah iyo midna waa dhaawac, ninkii falkaas geystayna lama hayo” ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmada 26-ka June Cabdiqaadir Axmed.

Meydka Askarigii geeriyooday ayaa la dhigay Qolka Meydka ee Cisbitaalka Hargeysa, halka kii dhaawaca ahaan xaaladdiisa lala tacaalayo.

Booliiska ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin soo qabashada eedaysanaha oo goobta dilku ka dhacay ka baxsaday, waxaana la sheegay in la xidhxidhay odayaal eheladiisa ah.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo booliska Somaliland ka soo saaray dhacdadan aan looga baran dadka shacabka ah iyo booliska inay ka dhex dhacdo.

Idale  News Online, Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here