Kabul(INO)— Waxaa soo dhamaaday weerar goor hore Kooxda Taliban ku qaaday xarunta Baarlamaanka dalka Afghanistan ee magaalada Kabul, iyadoo muddo saacad ku dhow ay socotay is rasaaseyn dhex martay Ciidamada Booliska iyo dabley hubeysan.
Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhimatay oo todobo ka mid ah ay ahaayeen dableydii weerartay dhismaha Baarlamaanka Afghanistan.
Weerarka ayaa ku bilowday gawaari qaraxyo laga soo buuxiyay oo banaanka dhismaha Baarlamaanka lagu qarxiyay, waxaana kadib qiic iyo uuro ka baxyay dhismaha oo ahaa mid guud ahaan ay qiic hareeyeen.
Dableyda hubeysan ayaa isku dayay inay gudaha Baarlamaanka galaan, si ay u laayaan Xildhibaanada, balse waxaa lagu guuleystay in deg deg looga saaro Xildhibaanada gudaha Baarlamaanka Afghanistan.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sediq Seddiqi ayaa sheegay in dableyda soo gashay dhismaha Baarlamaanka la dilay, isla markaana ciidamada ay si aad ah ula dageeleen.
Mr Seddiqi ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray Xildhibaanada, isla markaana ay bad qabaan, waxaana uu tilmaamay in ilaa 18 ruux ay weerarkaas ku dhaawacmeen.
Banaanka xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa ka muuqday bur bur aad u xoogan, gawaari badan oo ku gubatay.
Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya gudaha dhismaha baarlamaanka oo haawanaya, iyo qiic iyo uuro gudaha laga arkayay.
Weerarkan oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Taliban ayaa ku soo beegmay, xilli cod loo qaadayay Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga dalka Afghanistan.