Muqdisho (INO) – Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa Xukun ku Ridday Afar ruux oo loo Heysto Falal Dembiyeedyo kala Duwan oo Shabaabnimo ay u Badantahay.
Waxaa Xukuno kala Gedisan la Saaray raggan oo Qaarkoo loo Heysto Dembiyo waaweyn oo uu ka mid yahay Nin Dhallinyaro 25 jir ah laguna Magacaabo C/qaadir Cilmi Shire, kaasoo Kiiskiisu ahaa kan ugu Daran, wuxuuna Maleegay Weerar Argagixiso oo lagu Qaaday Safaaradda Turkey ee Muqdisho.
Ninkaas ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka Dambeeyay Weerarradii ka dhacay, Dekadda Muqdisho uuna Qorshaha wax ka lahaa Weerar kale oo ka dhacay Xeebta Liido.
Dhamaan Weerarrada loo Heysto Ninkaas ayaa waxaa ku dhintay dad Badan oo Rayid iyo dad kale oo Muhiim u ahaa Dowladduba ay ku Jiraan iyo sidoo kale dad u dhashay Turkey.
Xukun Xabsi Daa’in ah, sidoo kale waxaa Xukuno min Shan sano ah lagu riday Seddax kale oo Shabaabnimo lagu Helay.
Idale News Online – Muqdisho