Baydhabo(INO)-Degaano ka tirsan Gobolka Bay, ayaa laga soo sheegaya in Biyo la’aan aad bahsan Ay ka jraan isla markaana dadka degaanadaasi hada ay bilaabeen in ay u soo dhaan tagaan Magaalada Baydhabo.
Xiliga Jiilaalka Ee Bisha Maarso ayaa Dadka kunool Dhulka Baadiyaha Gobolka Bay, ayaa waxay qotaan Warahood si ay xiliga Roobka Soo socda ay ugu faa’ideystaan.
Proff. Idiris Cabdi Axmed Takhtar oo ah Madaxa Xafiiska Jaamacada Upper Jubba ee Baydhabo ayaa booqasho ku tagey Tuulo layiraahdo Gooyaale oo u dhow degmada Baydhabo isagoona u kuu galey xaalada Bin’aadanimo ee ka jirta Tuuladaasi, Isla markaana waxa uu soo arkey dadka tuuladaasi degan oo dhamaantooda qodanaya war Biyood taasoo aysan lahey wax biyo ah , Mudo 3 todabaad ayaa waxay sugayaan inuu u curto Gu’ ga.
Deegaano badan oo katirsan Gobalka Bay ayaa waxaa laga soo sheegayaa Biyo La’ aan aad u xanuun badan iyadoo aysan jirin cid Caawisa , Balse waxa ay filayaan in Raxmadii Alle Ay curuato Dhawaan.
Deegaanada iyo Degmooyinka biya la’aanta ka jirta waxa ka mid ah Degmada Buurhakabo iyo tuulooyinka hoos yimaado , Degmada Qansaxdheere iyo weliba Deegaanka Hagarka Ee dhulbeereedka Adable weyne Ee Gobolka Bay.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo