Muqdisho(INO)-Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somaaliya Nicholas Kay oo War kasoo saaray isku dhacyadii shalay ka dhacay Magaalooyinka Hargeisa iyo Burco ayaa Walaac ka muujiyay in arimahaasi ay caqabad ku yihiin Amaanka Somaaliland.
“Waxaa jira war shegaya in la xiray Xildhibaano iyo Wariyaal khasaarana ka dhashay Rabshadii Shalay iyadoo leysku diyaarinayo Doorashooyinka Baarlamaniga ah” sidaa ayuu yiri Nicholas Kay.
“Somaliland Talaabooyin wanaagsan ayay u sameyneysay dhinaca Dimuqraadiyada iyo Doorashoyinka ,rabshadahana dib u dhac ayay keenayaan ” sidaa ayuu hadalkiisa kusii daray Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somaaliya.
sidookale Kay ayaa ugu baaqay dhamana dhinacyada inay ilaaliyaan Hananaka Dimuqraadiyada wax kastana si wadaxaajood ah lagu dhameeyo.
Idale News Online, Muqdisho