Baydhabo(INO)-Mid ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in maalinta berrito ah ay magaalada Baydhaba ka dhici doonto doorasho loo dhan yahay.
Musharaxan oo lagu magacaabo Siyaad Sheekh Cumar Daahir ayaa saaka u sheegay warbaahinta in laga gudbay is qabqabsigii ka taagnaa magaalada Baydhabo oo lagu howlan yahay sameynta maamulka Seddexda gobal.
Wuxa uu sheegay musharaxan in haddii uu ku guuleysto xilka uu wax qaban doono arrimo dhowr ah sida shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada, iyo sidoo kale in barakacayaasha Muqdisho ku nool ee seddexdaasi gobal uu dib ugu celin doono gobaladii ay ka kala tageen.
Dhanka kale waxa uu meesha ka saaray amarkii dhawaan kasoo baxay madaxda dowladda Soomaaliya, kuna saabsan in la hakiyo shirka la doonayo in maamulka loogu sameeyo Koonfur Galbeed.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo